Maalin maalmaha ka mid ah, Bakayle ayaa socday wabiga qarkiisa.
En dag gick Kanin längs flodens kant.
Jeerta na waa ay joogtay, ayadoo u socoto damaashaad iyo cunnida xoogaa caws fiican oo cagaaran.
Flodhäst var också där för att gå en runda och äta lite gott grönt gräs.
Jeerta ma aysan arkayn bakaylaha in uu joogo meeshaas waxayna si kama ah ayey ugu istaagtay cagti bakaylaha. Bakaylihii wuxuu bilaabay inuu ku qayliyo jeerta, “Adiga Jeer! Miyaadan arag in aad ku taagantahay cagtayda?”
Flodhäst såg inte att Kanin var där och råkade trampa på Kanins fot. Kanin började skrika åt Flodhäst: ”Du Flodhäst! Ser du inte att du ställde dig på min fot?”
Jeertii waxay raaligelisay Bakaylihi, “Waan ka xumahay, kuma aanan arkaynin, Fadlan i cafi!” Laakiin bakaylihii ma dhageysan oo waxuu ku qeyliyay Jeertii, “Waxaad u sameysay kas! Maalin, un waad arki doontaa, in aad guddo!”
Flodhäst bad om ursäkt: ”Ursäkta, jag såg dig inte. Snälla, förlåt mig!” Men Kanin ville inte lyssna och skrek åt Flodhäst: ”Du gjorde det med flit! En vacker dag ska du få se! Då ska du få betala för det här!”
Bakaylihii waxuu raadiyay dab, wuxuuna ku yidhi, “Orod, soo gub Jeerta marka ay banaanka uga soo baxdo biyaha si ay u cunto caws. Way igu istaagtay!” Dabka ayaa ku jawaabay, “Dhib malaha, Bakayle, saaxiibkay. Waxaan sameyn doonaa waxaad i weydiisay.”
Kanin gick till Eld och sa: ”Gå och bränn Flodhäst när hon kommer ut ur vattnet för att äta gräs. Hon trampade på mig!” Eld svarade: ”Inga problem Kanin, min vän. Jag ska göra precis vad du ber om.”
Xoga kadib, Jeertii waxay ka cunaysay caws meel ka fog webiga marki, “bul!” Dab holac isku badalay. Dabkii waxuu bilaabay in uu gubo timihii Jeerta.
Senare åt Flodhäst gräs långt bort från floden när det plötsligt sa svisch! Eld flammade upp. Flammorna började bränna upp Flodhästs hår.
Jeertii waxay bilowday in ay ooydo oo u orado biyaha. Dhamaan timaheedi waxaa gubay dabki. Jeertii waa ay sii waday ooyinta, “Timahaygi waxa ay ku gubteen dabka! Timayhaygii dhamaan waay tageen, timahaygii qurux sanaa!”
Flodhäst började gråta. Allt hennes hår hade bränts upp av elden. Flodhäst fortsatte att gråta: ”Mitt hår brändes upp i elden! Allt mitt hår är borta! Mitt vackra hår!”
Bakayluhu wuxuu ku faraxsanaa timaha Jeerta ee gubtay. Ilaa maantadan la joogo, cabsi dabka ay kaqabto, Jeerta marna kama fogaato biyaha.
Kanin var glad över att Flodhästs hår hade brunnit upp. Och nuförtiden går Flodhäst fortfarande sällan långt bort från vattnet av rädsla för Eld.