Tillbaka till listan med berättelser

Mir yar: Sheekadii Wangari Mathaay Ett litet frö: berättelsen om Wangari Maathai

Skriven av Nicola Rijsdijk

Illustrerad av Maya Marshak

Översatt av Anwar Mohamed Dirie

Uppläst av Ibrahim Ahmed

Språk somaliska

Nivå Nivå 3

Läs hela berättelsen

Reading speed

Automatisk avspälning


Tuulo ku taal dhinaca hooseyo buurta Kenya ee Bariga Afrika, gabar yar ayaa hooyadeed kala shaqeyn jirtay beeraha. Magaceedu waxa uu ahaa Wangari.

I en by vid foten av berget Mount Kenya i Östafrika arbetade en liten flicka på fälten med sin mamma. Hennes namn var Wangari.


Wangari bannaanka ayay aad u jeclaan jirtay. Baangad ayay ku qodqodday carrada beerta qoyskooda. Waxayna dhulka qandacsan ku aastay miro aad u yaryar.

Wangari älskade att vara utomhus. I hennes familjs trädgårdsland vände hon jorden med sin machete. Hon stack ned små frön i den varma jorden.


Watigay ugu jeclayd maalinta waxa uu ahaa marka ay cadceeddu dhacdo. Marka ay mugdi saaid u noqoto aragtida dhirta, Wangari waxay ogaataa in ay tahay xilligii ay guriga aadi lahayd. Waxayna qaadaa waddoyin dhuudhuuban oo dhex maro beeraha, ayadoo gudbeyso webi yaal markay baxdo.

Hennes favorittid på dagen var strax efter solnedgången. När det blev för mörkt för att se växterna visste Wangari att det var dags att gå hem. Hon följde de smala stigarna genom åkrarna och passerade över floder medan hon gick.


Wangari waxa ay ahayd ilma farriid ah wayna sugi la eyd in ay iskuul aado. Laakiin hooyadeed iyo aabbaheed waxa ay doonayeen in ay joogto oo ay guriga ka caawiso. Markii ay toddoba jirsatay, walaalkeed ka weyn ayaa ku qalqaaliyey waalidkeed in ay u oggolaadaan in ay iskuul aaddo.

Wangari var ett intelligent barn som längtade efter att börja skolan. Men hennes mamma och pappa ville att hon skulle stanna hemma och hjälpa dem. När hon var sju år gammal övertalade hennes storebror deras föräldrar att låta henne börja skolan.


Way jeclayd in ay wax barato! Wangari waxay wax ka baratay in badan oo badan buug walbey aqrisay. Iskuulka oo ay aad ugu wanaagsanaatey darteed waxaa lagu casuumay in ay wax ku barato dalka Maraykanka. Wangari waa ay faraxday! Waxa ay doonaysay in ay wax badan ka ogaato dunida.

Hon gillade att lära sig saker! Wangari lärde sig mer och mer för varje bok hon läste. Hon gjorde så bra ifrån sig i skolan att hon blev inbjuden att studera i USA. Wangari blev så glad! Hon ville lära sig mer om världen!


Wangari wax badan oo cusub ayay ku baratay jaamacada maraykanka. Waxa ay baratay dhirta iyo sida ay u baxaan. Waxa ayna xusuusatay sidii ay usoo kortay: la ciyaarki walaaladeed hooska geedaha kaymihii qurxoonaa ee Kenya.

På det amerikanska universitet lärde sig Wangari många nya saker. Hon studerade växter och hur de växer. Och hon kom ihåg hur hon hade växt upp själv: med lekar och bus med sina bröder i skuggan av träden i de vackra kenyanska skogarna.


Markii ay wax sii barataba, waxa ay sii ogaanaysay in ay dadka Kenya aad u jeceshahay. Waxa ay doonaysay in ay noqdaan kuwo faraxsan oo xor ah. Markii ay wax sii barataba, waxa ay soo xusuusan jirtay gurigeedii Afrika.

Ju mer hon lärde sig, desto mer förstod hon att hon älskade folket i Kenya. Hon ville att de skulle vara glada och fria. Ju mer hon lärde sig, desto mer kom hon ihåg sitt afrikanska hem.


Markii ay wax barashadeedii dhammeysatay, waxa ay ku noqotay Kenya. Laakiin wadankeedii waa is beddelay. Beero baaxad leh ayaa is daba jiidnaa dalki. Haweenku ma heysan xaabo ay wax ku karsadaan. Dadku fakhri ayay ahaayeen, carruurtuna waa ay gaajeysnaayeen.

När hon hade avslutat sina studier, återvände hon till Kenya. Men hennes land hade förändrats. Stora åkerbruk sträckte sig över marken. Kvinnor hade ingen ved att göra brasor till sin matlagning. Folk var fattiga och barnen var hungriga.


Wangari way garanysay waxa ay tahay in la sameeyo. Waxa ay bartay haweenkii sida dhirta miro looga abuuro. Haweenku dhirta ayay sii iibin jireen lacagta ka soo baxdana waxay u isticmaali jiren in ay qoysaskooda ku daryeelaan. Haweenkii waxa ay noqdeen kuwo faraxsan. Wangari ayaa ka caawisay in ay dareemaan awooddooda iyo xoog.

Wangari visste vad hon skulle göra. Hon lärde kvinnorna att plantera träd från frön. Kvinnorna sålde virket och använde pengarna att försörja sina familjer. Kvinnorna var lyckliga. Wangari hade hjälpt dem att känna sig kraftfulla och starka.


Waxuu waqti gudbo ba, dhirtii cusbeyd waxa ay noqotay kayn, webiyadiina mar kale ayay biyo keeneen. Farriintii Wangari, Afrika ayay ku faaftay. Maanta, malaayiin geedo ah ayaa ka soo baxay mirihii Wangari.

Alltmedan tiden gick växte träden och blev skogar, och floderna började att rinna till igen. Wangaris budskap började att sprida sig genom hela Afrika. Idag har miljontals träd planterats från Wangaris frön.


Wangari si adag ayay u shaqeysay. Dadka dunida oo dhan ayaa ogaaday, waxaa na la siiyey abaalmarin caan ah. Waxa la yiraahdaa Abaalmarinta Nabada ee Nobel, waxa ayna noqotay haweeneyda ugu horeysay ee kaligeed Afrika laga siiyey abid.

Wangari hade arbetat hårt. Folk över hela världen uppmärksammade henne, och gav henne en välkänd utmärkelse. Det heter Nobels fredspris, och hon var den första afrikanska kvinnan att någonsin få det.


Wangari waxa ay dhimatay 2011, laakiin waa aannu xusuusannaa mar walba oo aan aragno geed qurux badan.

Wangari dog 2011, men varje gång vi ser ett vackert träd kan vi minnas henne.


Skriven av: Nicola Rijsdijk
Illustrerad av: Maya Marshak
Översatt av: Anwar Mohamed Dirie
Uppläst av: Ibrahim Ahmed
Språk: somaliska
Nivå: Nivå 3
Källa: A Tiny Seed: The Story of Wangari Maathai från African Storybook-projektet
Creative Commons Licens
Detta verk är licensierat under en Creative Commons Erkännande 4.0 Internationell Licens.
Valmöjligheter
Tillbaka till listan med berättelser Ladda ner PDF